Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Uhuru Kenyatta oo qaaday xayiraadihii saarnaa Kenya


Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Isniinta maanta ah ku dhawaaqay qorshe dib loogu furayo dalka, isaga oo xayyiraadaha ka qaaday safarrada ka baxaya iyo kuwa galaya caasimadda Nairobi, islamarkaana ogolaaday in duulimaadyadu ay dib u billowdaan.

Kenyatta ayaa sheegay in waddanku uu gaaray heer macquul ah oo loogu diyaar garoobo in qeyb ahaan la khafiifiyo xayiraadaha loo soo rogay xakameynta COVID-19, laakiin waxa uu dadka ku boorriyay in ay taxaddar muujiyaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in duulimaadyada gudaha ee Kenya dib loo bilaabayo 15-ka July, halka kuwa caalamiga ahna ay bilaabmayaan 1-da August.

Masaajidda iyo kaniisadaha ayaa loo oggolaan doonaa in ay dib u bilaabaan howlahooda, laakinse waxaa la oggol yahay oo qur ah saacad, iyo markiiba in aysan dadka cibaadeysanaya ka badan 100 qof.

Kenya oo kiisaska COVID-19 ay wali sii kordhayaan ayaa illaa haatan diiwaangelisay ku dhawaad 7,900 xaaladood iyadoo 160 qofna ay cudurkan u dhinteen. Sabtidii ayay Kenya soo warisay ilaa 389 xaaladood oo COVID-19 ah taasi oo ahayd tiradii ugu badneyd ee maalinle ah ee dalkaasi soo wariyo.

Warbixintan waxaa Nairobi kasoo dirtay Intisaar Saalax Xuseen.

Uhuru Kenyatta oo qaaday xayiraadihii saarnaa Kenya
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:58 0:00


XS
SM
MD
LG