Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaarado duqeeyey saldhigga al-Watiya ee Libya


Diyaarado dagaal ayaa xalay duqeyn ka geystey saldhig ciidamada cirka ah oo ay dhowaan dib u qabsadeen ciidamada dowladda uu caalamku aqqoonsan yahay ee Libya iyagoo gacan ka helaya Turkey-ga, waxaana sidaasi sheegay ilo dhanka militeriga ah oo ka tirsan ciidamada bariga iyo qof deggan agagaarka garoonka la wareeray.

Duqeynta ayaa waxaa fuliyay “diyaarado aan la aqqoonsan”, sida ay tibaaxeen ilo wareed ka tirsan Ciidanka Qaranka Libya (LNA) ee uu hogaamiyo Khalifa Haftar.

Qof deggan meel u dhow magaalada Zintan ayaa sheegay in qaraxyo laga maqlay jihada saldhigga.

Qabashadii Watiya ee bishii May ee ciidadama Dowladda Heshiiska Qaran (GNA) ee fadhigeedu yahay caasimadda Tripoli ayaa calaamad u ahayd bilawga burbur degdeg ah oo ku yimid ololihii weerar ee muddo 14-kii bilood ah ay ciidamada Haftar ku doonayeen in ay ku qabsadaan Tripoli.

Taageerada Turkiga ayaa dowr weyn ka qaadatay guulaha ciidamada dowladda ay dib ugu riixeen gulufkii weerar ee kaga imanayay ciidamada bariga.

Ciidamada Libya ayaa helay qalabka casriga ee difaaca hawada sare iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn kuwaasi oo bartilmaameedsaday goobaha sahayda iyo xarumaha difaaca ee ciidamada Haftar.

Ilo wareedyo Turkey ah ayaa bishii hore sheegay in Turkey ay wadahadal la gashay xukuumadda Tripoli si loo dhiso laba saldhig oo ku yaal Libya, oo mid ka mid ah uu yahay Watiya oo ah saldhigga ugu muhiimsan ee ciidamada cirka ee ku yaalla galbeedka dalkaasi.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Turkey Hulusi Akar ayaa ku sugnaa magaalada Tripoli, isaga oo Jimcihii iyo Sabtidii kulamo halkaasi kula yeeshay xukuumadda Libya, wuxuuna ballan qaaday in uu sameyn doono wax kasta oo laga maaraan ah si loo caawiyo dhismaha saldhigyada ciidamada cirka, sidaasna waxaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee Turkiga.

Ciidamada bariga ee LNA ayaa waxaa taageera dalalka Imaaraadka Carabta, Russia iyo Masar. Intii uu socday gulufka ay LNA ku doonaysay in ay kula wareegto gacan ku heynta caasimadda Tripoli ayaa waxaa gacan siinayay duqeymaha cirka ee dalalka Masar iyo Imaaraadka Carabta.

Mareykanka ayaa bishii la soo dhaafay sheegay in Russia ay ugu yaraan 14 MiG29 iyo Su-24 oo diyaaradaha dagaalka ah u dirtay saldhigga ciidamada LNA iyadoo loo sii marinayo Syria, halkaasi oo looga tirtiray calaamadaha muujinaya in ay ka tirsan yihiin ciidamada cirka ee Russia.

Ku lug lahaanshaha Turkiga ee arrimaha Libya ayaa sidoo kale ka caraysiiyay dalalka France iyo Greece, iyadoo Wasiirka Arimaha Dibadda ee Faransiiska Jean-Yves Le Drian uu ka digay cunnaqabateyn cusub oo lagu soo rogo Ankara.

Ciidamada GNA iyo kuwa LNA ayaa haatan ku jira abaabul dagaal ee jiidaha hore ee magaalooyinka Misrata iyo Sirte.

Dowladda Masar ayaa ka digtay in dadaal kasta oo uu taageerayo Turkiga oo dib loogu qabsado magaalada Sirte, oo ay ciidamada LNA gacanta ku hayaan illaa bishii January ee sanadkan ay u horseedi karto in ciidankeedu ay si toos ah u soo farageliyaan arrimaha Libya.

REUTERS

XS
SM
MD
LG