Isku xirrada

War Deg-Deg ah

COVID-19 oo Saameeyey Dabbaaldegyadii Maalinta Xorriyadda Mareykanka


Maamulka Trump ayaa qorsheynaya munaasabad ballaaran oo lagu xusayo Maalinta Xornimada Mareykanka ee Afarta July taasi oo galabta oo Sabti ah lagu qabanayo magaalada caasimadda ah ee Washington, inkasta oo magaaladu ay ka walaacsan tahay cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Xoghayaha Arimaha Gudaha David Bernhardt ayaa sharraxay qorshayaasha dabbaal-degga munaasabadda Afarta July, oo ay ku jirto in hawada loo gano ilaa 10,000 oo baaruudda ama bulaleerka hawada lagu ifiyo, wuxuuna ugu yeeray “xuskii ugu ballaarnaa ee la qabto dhowaanahan.”

Saraakiisha Waaxda Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in ilaa 300,000 oo ah maaskarooyinka wajiga lagu xirto ay u diyaariyeen in ay siiyaan dadka ka soo qeybgalaya munaasabadda oo ka dhaceysa bartamaha caasimadda, inkastoo aysan jirin wax tilmaan ah oo ku saabsan in xirashada maaskaradu ay qasab ku tahay ka qaybgaleyaasha.

Bernhardt ayaa sheegay in dadka lagu dhiirigelinayo in ay maaskarooyinka xirtaan islamarkaana ay illaa lix tallaabo kala fogaadaan.

Duqa magaalada Washington D.C Muriel Bowser ayaa dhalleeceysay qorshayaashan, iyadoo sheegtay in ay ka hor imaanayaan hageyaasha caafimaad ee loo dejiyey si loola dagaalamo COVID-19.

“Waan ognahay in tani ay tahay munaasabad u gaar ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Waanu la hadalnay una sheegnay in aynaan u maleynaynin in tani ay la jaanqaadeyso tilmaamaha caafimaad ee Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee CDC iyo hageyaasha Wasaaradda Caafimaadka,” ayay tiri.

Waxa ay sheegtay in munaasabaddu ay gebi ahaanteed ka qabsoomi doonto goob federaali ah, taas oo macnaheedu yahay in aysan dowladda hoose ee caasimaddu xaq u lahayn in ay hakiso dabaaldeggan la qorsheeyey.

Bowser ayaa dadka deggan caasimadda ka codsatay in ay ka fogaadaan isku soo baxyada ballaaran iyo dadka badan ee u dabaaldegaya munaasabadda Afarta July.

Magaalooyin kale oo badan oo Mareykanka ah ayaa joojiyay ama dib u dhigay dabbaal-degga maalinta xoriyadda ee Afarta July ee sanadkan sababtoo ah cudurka safmarka ah ee COVID-19, iyo walaaca laga qabo in ay isku soo baxaan dad aad u fara badan.

Dadka Mareykanka ah ee qorsheynaya in ay si iskood ah ugu dabbaal-degaan Afarta July ayaa laga mamnuucay dhowr xeebood oo caan ah, oo ay ku jiraan xeebaha koonfureed ee gobollada Florida iyo California iyo Xeebta gobolka Texas.

Dhanka qeybaha waqooyi-bari ee Mareykanka, halkaasi oo kiisaska guud ee Coronavirus ay hoos u dhacayeen, ayaa waxaa furan xeebaha. Hase ahaatee, saraakiisha dawladda ayaa dadka ku boorinaya in ay ka fogaadaan isku soo bax ballaaran.

Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee CDC ayaa kula talisay dadka tagaya xeebaha in ay xirtaan maaskarooyinka wajiga daboolaya.

XS
SM
MD
LG