Isku xirrada

War Deg-Deg ah

81 qof oo lagu dilay rabshado ka dhacay Ethiopia


Addis Ababa
Addis Ababa

Rabshado socday laba maalmood ayaa 81 qof ku dilay Ethiopia, sida uu Arbacadii sheegay madaxa booliska, kadib markii la dilay heesaa caan ah oo kasoo jeeday qowmiyadda ugu tirada badan dalka ee Oromada.

Hachalu Hundessa, oo heesihiisa siyaasadeed ay cod siiyeen dareenka ay muddada qabeen Oromada ee ah in la liiday, ayaa toogasho lagu dilay habeenkii Isniinta.

Dibad-baxyo carro leh ayaa ka dillaacay magaalada Addis-Ababa iyo gobolka Oromia ee ku hareereysan, halkaasi oo ah xudunta dadka Oromada, oo ah qowmiyad muddo ka cabaneysay inay caburiyeen qowmiyado kale oo ay ka tiro badan yihiin balse dalka maamulayey.

“Illaa iyo hadda waxaa dhintay 81 qof oo ay ku jiraan saddex ka mid ah ciidamada booliska gaarka ah ee gobolka Oromia,” waxaa sidaas yiri Ararsa Merdasa, oo ah madaxa booliska Oromia.

Rabashadihii ugu xumaa ayaa Arbacadii ka dillaacay magaalada uu kasoo jeedo Hachalu ee Ambo, oo ku taalla galbeedka Addis-Ababa.

Carrada xoggeeda ayaa salka ku haysay damaca Oromada ee ahaa in Hachalu lagu aaso magaalada Addis-Ababa, oo taariikh ahaan ah xudunta dhulkooda, halkaasi oo ay dareemayaan in laga barakiciyey.

Talaadadii Ethiopia ayaa xaqiijisay inay xirtay siyaasiga hoggaamiya mucaaradka ee Jawar Mohammed, oo ahaan jiray milkiile warbaahineed oo dhowaan ku biiray xisbiga mucaaradka ee Oromo Federalist Congress, iyo 34 qof oo kale.

Xariga ayaa yimid intii uu socday iska horimaad dhex-maray Jawar iyo ciidamada ammaanka oo la xiriiray meydka Hachalu Hundessa.

Booliska ayaa sheegay in meydka Hachalu loo waday magaalada uu kasoo jeedo ee Ambo, si loogu aaso, islamarkaana Jawar iyo taageerayaashiisa ay is-hortaageen ayna isku dayeen inay ku celiyaan Addis-Ababa, kadibna uu xigay isku dhaca.

Hachalu ayaa maanta lagu aasay magaalada Ambo.

AFP + REUTERS

XS
SM
MD
LG