Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump: Kama warhayn in Ruushka lacag ku bixiyey dilka askarta Mareykanka


Iyadoo xubnaha Kongareesku ay ku baaqeen in baaritaan la sameeyo, ayuu Madaxweyne Donald Trump waxa uu sheegay in uusan ka warqabin wararka sheegaya in unug ka tirsan milatariga Ruushka ay lacag siin jireen xagjiriinta Taliban ee Afghanistan si ay u laayaan askarta Mareykanka iyo xulafadooda.

Trump ayaa ku sheegay sababta aan warkan loogu sheegin in saraakiisha sirdoonka Mareykanka aysan u arkin xog lagu kalsoonaan karo.

Senator Lindsey Graham oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay in uu filayo in maamulka Trump oo eedaha nuucaas ah si dhab ah u qaadan doono. Waxa uu xusay in Koongareesku uu baari doono inuu helo xaqiiqda warkan ah in ciidamada Ruushku ay lacag ku siiyeen Taliban si loo laayo askarta Mareykanka, islamarkaana Mareykanka looga saaro gobolka.

Senator Kirsten Gillibrand oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa dalbatay Koongareesku baaro arrintan si loo ogaado baaxadda lacagta, oo ay ku jirto in la ogaado cidda lasiiyay, cadadka lacag ah ee ku baxday, iyo in la aqoonsado qof kasta oo Mareykan ah oo ku dhintay sabab la xiriirta lacagta la sheegay in Ruushku ku bixiyey weerarada Taliban.

Sida ay daabacday Washington Post, 28 ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay lagu dilay Afghanistan. Tiro kale ayaa waxaa dilay askar ka tirsan ciidamada Afghanistan kuwaasi oo ay jariidadu sheegtay in laga yaabo in ay si hoose ula shaqeynayeen Taliban.

XS
SM
MD
LG