Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM oo ka digtay goosashada Israel ee Daanta Galbeed


Wakiilka Sare ee Xuquuqda Aadanaha u qaabilsan QM, Michelle Bachelet, ayaa Isniinta maanta ah ka digtay cawaaqibka ka dhalan kara qorshaha Israel ay ku dooneyso in ay ku goosato Daanta Galbeed ayna taasi dhibaato ku noqon karto Israel, Falastiin iyo gobolka oo dhan, isla markaana ay si aad ah u dhaawacayso rajada ah in la gaaro xal lagu unko laba dowladood.

Qoraal ay soo saartay Bachelet ayay ku sheegtay in goosashadu ay tahay mid sharci darro ah islamarkaana isku day walba oo lagu doonayo in lagu goosto qeybo ka mid dhulka la haysto ee reer Falastiin ay sii dheereyneyso xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee uu sababay dagaalka muddo fog u dhexeeyay labada dhinac.

Xukuumad ku dhisan Isbahaysiga axsaabta Israel ee xafiiska loo dhaariyey bartamihii bishii hore, uuna hogaamiyo Ra’iisul-wasaare Benjamin Netanyahu ayaa qorsheyneysa in ay goosato %30 oo ka tirsan Daanta Galbeed, oo ay ku jiraan deegaanno la dejiyey dad Israaiiliyiin ah iyo waliba aag ay ku badan yihiin Falastiininyiintu.

Qorshahan ay xukuumaddu waddo ayaan taageero buuxda ka haysan shacabka Israa’iil.

Israel ayaa dagaalkii lixda maalmood ee sanadkii 1967-kii ku qabsatay Daanta Galbeed, iyadoo gacanta ku haysay ilaa waqtigaas. Hase ahaatee, Falastiiniyiinta ayaa doonaya in dhulkan uu qayb ka noqdo dowladdooda mustaqbalka.

XS
SM
MD
LG