Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Djibouti oo u dabaal-degeysa maalintii ay xornimada qaadatay


Maanta oo sabti ah waxaa dalka Djibouti looga dabbaal-degayaa sanad-guurada 43-aad ee ka soo wareegtay markii ay Jamhuuriyadda Djibouti xornimada ka qaadatay Faransiiska, 27-kii June ee sanadkii 1977-kii.

Djibouti ayaa waxaa lagu qaban jiray munaasabado waaweyn oo lagu maamuusayo maalinta xornimada dalkaasi.

Hase ahaatee sida ay ku soo warameyso Wariyaha VOA ee Djibouti, Sagal Siciid Faarax, munaasabadda weyneynta maalinta xorriyadda ee sanadkan ayaa waxaa saameyn ku yeeshay cudurka COVID-19.

Xuska 43 guurada ee xornimada Djibouti
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:52 0:00


XS
SM
MD
LG