Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kiisaska COVID-19 ee caalamka oo ku dhow 10 milyan


Tirada guud ee kiisaska dadka uu soo ritay cudurka COVID-19 dunida oo dhan ayaa ku sii dhowaaneysa 10 milyan oo kiis.

Jaamacadda Johns Hopkins oo iyadu si gaar ah u diiwaangelisa kiisaska COVID-19 ee dunida ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in kiisasku ay haatan kor u dhaafayaan 9.8 milyan oo kiis.

Mareykanka ayaa wali ah dalka diiwaangeliyey tirada ugu badan ee Coronavirus caalamka oo dhan, waxaana kiisasku ay kor u dhaafayaan 2.4 milyan. Brazil ayaa ku jirta kaalinta labaad waxayna diiwaangelisay 1.2 milyan oo kiis. Russia ayaa iyana ku jirta kaalinta saddexaad, iyadoo dalkaasi uu diiwaangeliyay in ka badan 600,000 oo kiis.

Mareykanka ayaa sidoo kale ah dalka hogaaminaya kiisaska ugu badan ee dadka u dhintay COVID-19, iyadoo ay cudurkan u geeriyoodeen ilaa 125,039 oo qof.

Brazil ayaa iyana waxaa ku geeriyooday ilaa 56,000, halka Britain oo ah dalka saddexaad ee diiwaangeliyey dhimashada ugu badan ay dalkeeda ku geeriyoodeen in ka badan 43,000.

Dawlad-goboleedka Victoria ee dalka Australiya ayaa Sabtida maanta ah soo warisay ilaa 41 kiis oo COVID-19 ah, iyadoo ay tahay maalintii 11-aad ee xiriir ah ee halkaasi laga soo wariyo kiisas ka badan 10 qof.

Dowladda Australia ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto dib u furista dhaqaalaheeda, inkastoo uu cudurkan safmarka ah ku faafayo Victoria.

Lix kiis oo cusub ayaa Sabtida maanta ah laga soo wariyay gobolka New South Wales ee dalka Australia.

Jariidadda The Times of India ayaa warisay in tirada kiisaska cusub ee maanta oo Sabti ah laga shaaciyay dalka India ay yihiin 18,552 kiis, taasi oo ka badan tiradii la soo wariyay Jimcaha oo ahayd 17,296.

Dhanka kale, dadka socotada ah ee ka soo jeeda Mareykanka, Russia, iyo dalal kale ee aan hoos u dhigin tirada dadka uu soo rito COVID-19 ayaan loo ogolaan doonin in ay booqdaan wadamada reer Yurub marka ay dalalkaasi xuduudahooda dib u furaan 1-da bisha Luulyo.

Mareykankana, xaakim federaali ah ayaa amray in maamulka Madaxweyne Donald Trump uu sii daayo caruurta la hayo muddo ka badan 20 maalmood iyo waalidkood, kuwaasi oo ku xirnaa saddex xarumood oo lagu hayo qoysaska oo ku kala yaalla gobollada Texas iyo Pennsylvania.

Xaakimka oo lagu magacaabo Dolly Gee ayaa amarkan sabab uga dhigay xaaladda sii laba kacleyneysa ee cudurka COVID-19.

Mareykanka ayaa Jimcihii soo wariyay kiisaskii ugu badnaa ee la diiwaangeliyo hal cisho, taasi oo markii ugu horreysay dhaaftay 40,000 oo kiis.

Laba kacleynta COVID-19 ayaa ku qasabtay in gobollada Florida iyo Texas ay ku dhawaaqaan in ay dib u xirayaan baararka, islamarkaana ay soo rogaan xannibaado cusub si loo xakameeyo faafista cudurkan.

Ururka Caafimaadka Adduunku ee WHO ayaa Jimcihii sheegay in sanadka soo socda loo baahan yahay lacag ka badan $ 30 bilyan, si loo hormariyo baaritaannada COVID-19, loona soo saaro tallaallada iyo daweynta kale ee cudurkan safmarka ah.

Isbahaysiga ay WHO horkaceyso kaasi oo diiradda saaraya xakameynta faafitaanka coronavirus ayaa rajeynaya in lacagtan lagu dardar-geliyo dadaallada lagu caawinayo dalalka saboolka ah iyo kuwa soo koraya illaa bartamaha sanadka danbe.

XS
SM
MD
LG