Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Heshiis laga gaarayo biya-xireenka wabiga Nile


Masar, Ethiopia iyo Sudan ayaa lagu wadaa in muddo labo illaa saddex toddobaad ah ay gaaraan heshiis lagu buuxinayo biya-xireenka ay Ethiopia ka dhitsya wabiga Nile, waxaana arrintani ay timid ka dib markii uu Midowga Africa soo dhexgalay muranka in muddo ah ka taagnaa biya-xireenka Ethiopia.

Wasiirka biyaha ee Ethiopia, Seleshi Bekele, ayaa sheegay in la isla gartay in heshiis lagu gaaro muddo ilaa saddex toddobaad ah, ka dib markii ay kulmeen hogaamiyeyaasha saddexdan dal iyo madaxweynaha Koofur Cyril Ramaphosa, oo haatan ah madaxa ururka Midowga Africa.

Ethiopia ayaa horey u sheegtay in ay bilaabi doonto buuxinta biyo xireenkan weyn ee ay ka dhistay meel 15 km u jirta xadka ay la wadaagto Sudan. Biya xireenkan ayaa laga dhisayaa wabiga Nile ee buluugga ah oo ah isha biyaha ugu badan ee wabiga Nile.

Madaxtooyada Masar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Ethiopia aysan si iskeed ah u buuxin doonin biyo xireenkan.

Ra’isal wasaaraha Sudan, Abdalla Hamdok, ayaa isna sheegay in hogaamiyaashu ay isla garteen in dib loo bilaabo wadahadalladii hakaday isbuucii hore, sida ay wakaalada wararka ee Sudan ku warameyso.

Wakaaladda ayaa intaa ku dartay in wadahadallo u dhexeeya guddiyo farsamo ay dib u bilaaban doonaan.

Ethiopia ayaa ku adkeysatay in ay ku buuxin doontio biya xireenkan biyaha xilli roobaadka bilaaban doona bisha soo socota, laakin Masar ayaa baaq u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay taasi oo ah tallaabadii ugu dambaysay ee diblomaasiyadeed.

15-ka xubnood ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ayaa lagu wadaa in ay Isniinta yeeshaan kulan guud, taasi oo uu ku baaqay Mareykanku oo taageeraya dalabka ka yimid dalalka Masar iyo Sudan ee ahaa in Golaha Ammaanku uu soo farageliyo ismariwaaga arrintan ka taagan.

REUTERS

XS
SM
MD
LG