Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiisadda India iyo China: New Delhi oo ka fakareysa jawaab cawaaqib leh


Meydadka qaar ka mid ah askarta laga dilay India
Meydadka qaar ka mid ah askarta laga dilay India

Kadib dagaal kooban oo ka dhacay xadka labada dal ee India iyo Shiinaha, kaas oo ay ku dhinteen illaa 20 qof, ayaa dadka reer India waxay ku baaqayaan in dalka Shiinaha xiriirka dhaqaale loo jaro.

Kahor iska hor-imaadkan dhacay toddobaadkii tegay, India iyo China ayaa si kooban xuduudda ugu dagaalay 1962-kii, mana awoodin wixii markaas ka dambeeyey inay xalliyaan murankooda, inkasta oo ay wada-hadallo socdeen tobaneeyo sano.

Xiisadda kacsan ee udhaxeysa dalalka India iyo Shiinaha ee ku saabsan sheegashada buuraleyda Himalayas ayaa sidoo kale ku riixeysa New Delhi in ay sii xajiso xiriirka dhow ee ay la leedahay Mareykanka iyo waddamada Japan iyo Australia iyadoo cilaaqaadkii ay la lahayd Beijing uu galayo xaalad adag.

Xiriirka dhaqaale ee labada dal ayaa lagu qiyaasaa ilaa 100 bilyan oo dollar. Haddaba haddii xiisadda labada dal ka sii darto, sidee ayuu noqonayaa mustaqbalka dhaqaalahaas xoogga badan ee labada dal u dhexeeyaa.

Warbixin arrintaas ka hadlaysa waxaa diyaariyey Maxamed Cabdi Sandhere.

Xiisadda India iyo China: New Delhi oo ka fakareysa jawaab cawaaqib leh
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:30 0:00


XS
SM
MD
LG