Xiisadda kacsan ee udhaxeysa dalalka India iyo Shiinaha ee ku saabsan sheegashada buuraleyda Himalayas ayaa ku riixeysa New Delhi in ay sii xajiso xiriirka dhow ee ay la leedahay Mareykanka iyo waddamada Japan iyo Australia iyadoo cilaaqaadkii ay la lahayd Beijing uu galayo xaalad adag.
Haddii ay sii korodho xaaladda lama filaanka ah ee keentay in labadan dal ee haysta awoodda nuclear ka ay ciidamadoda militariga ku soo daadgureeyaan xuduudda dhulka agu muransan yahay, ama aan la helin xal dublumaasiyadeed, waxa ay horseedi doontaa “in India ay hesho xulasho istiraatiiji ah iyo mid dhaqaale oo ka dhan ah Shiinaha,” sida uu yiri Harsh Pant, oo ah agaasimaha machad cilmi-baaris oo fadhigeesu yahay New Delhi.
Falcelinta Ra’iiseu Wasaaraha India Narendra Modi ee qalalaasahan ayaa sidoo kale saameyn doonta mawqifka xiriirka New Delhi la leedahay dalalka deriskeeda ah ee Koonfurta Aasiya, halkaas oo Beijing ay kula loolameyso India, waxayna arrintani go’aamin doontaa in Modi uu meelmarin karo hadafkiisa kor u qaadida sumcadda guud ee India.
Xiisad ayaa ka dhex taagneyd laba dal ilaa bilowgii bishii May, iyadoo India ay ku eedeysay Shiinuhu in ay soo galeen dhulkeeda, taasi oo kicisay xaalad keentay in labada ciidan ay israsaaseyn ku dhex marto Bariga Ladakh waxaana dagaalkaasi oo dhacay 15kii bishan ku geeriyooday 20 askari oo u dhashay India.