Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo difaacay sida uu u maareeyey COVID-19


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xalay magaalada Tulsa ee gobolka Oklahoma ku qabtay ololihiisii ugu horreeyay ee doorashada madaxtinimada ee bisha November, waana markii u horreysay ee uu qabto isku soo bax ka mid ah ololihiisa tan iyo markii uu cudurka COVID-19 ka bilowday Mareykanka.

Trump ayaa khudbad dheer oo qaadatay ku dhowaad laba saacadood u jeediyay kumannaan ka mid ah taageerayaashiisa oo isugu yimid garoonka ciyaaraha BOK Center Arena.

Isku imaatinkan ayaysan ka soo qeybgalin tiradii uu madaxweynaha filayay oo aheyd 19 kun, maadaama uu garoonka uu qaadi karo tiradaasi.

Marnaanta qeyb ahaan garoonka uu ka khudbeeyay madaxweyne Trump ayaa loo aaneeyay ka dib markii dhowr saacadood ka hor inta aysan khudbadda billaaban uu guddiga ololihiisa doorashadu ku dhawaaqeen in lix xubnood oo ka mid ahaa qaban-qaabiyaasha munaasabaddan laga helay cudurka COVID-19.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku difaacay qaabka uu maamulkiisa u maareeyay dagaalka ka dhanka ah cudurka Covid-19. Wuxuu sheegay in baaritaannada badan ee lagu sameeyo dadka ay horseeddo in la diiwaangeliyo dad badan oo qaba xanuunka, sidaasi daraadeedna uu amray in la dabciyo hannaanka baarista cudursidaha Corono.

"Marka aad sameeyso tijaabooyinka sidaas ah, waxa aad heleysaa dad badan iyo kiisas badan. Sidaas daraadeed, waxa aan u sheegay dadkeyga, fadlan yareeya tijaabooyinka," ayuu yiri Trump oo intaasi ku daray in maamulkiisu uu "badbaadiyey nolosha malaayiin qof."

Madaxweynaha ayaa musharraxa xisbiga Dimoqraadiga ee doorashada soo socota, Joe Biden, ku tilmaamay nin mayal adag oo aad ugu janjeera xaga bidixda. Wuxuu taageerayaashiisa u sheegay in Biden uu America dib u celin doono haddii la doorto.

Trump ayaa canbaareeyay dibadbaxyadii rabsahdaha watay ee Mareykanka ruxay wixii ka danbeeyay dilkii bishii hore magaalada Minneapolis loogu geystay George Floyd.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu eedeeyay dibadbaxayaashu in ay beegsadeen taariikhda Mareykanka, geysteen kharbudaad, isla markaana ay burburiyeen taallooyin taariikhi ahaa.

Trump ayaa soo jeediyey in dadka guba calanka Mareykanka ay wajahaan xabsi dhan muddo sanad ah.

XS
SM
MD
LG