Madaxweynaha Masar Cabdel Fattaax al-Sisi ayaa Sabtidii sheegay in uu dalkiisu xaq u leeyahay inuu farageliyo dalka deriska ah ee Libya, isaga oo ku amray ciidanka dalkaasi in ay isku diyaariyaan howlgal ay ka fuliyaan meel ka baxsan Masar, haddii loo baahdo.
Hadalka Sisi ayaa yimid xilli xiisad ay ka taagan tahay faragelinta dalka Turkey ee arrimaha dalka Libya. Waxa uu uga digay ciidamada dowladda uu caalamku aqqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay magaalada caasimadda ah ee Tripoli in aysan ka gudbin aagga ay haatan ku sugan yihiin, dagaalka ay kula jiraan ciidamada maamulka bariga ee uu hogaamiyo Khalifa Haftar.
Taageerada Turkiga ee xukuumadda uu caalamku aqqoonsan yahay ayaa keentay in dib loo riixo ciidamada Haftar ee muddo 14 bilood ah ku jiray olole dagaal oo ay ku doonayeen iney ku qabsadaan magaalada Tripoli. Haftar ayaa taageero ka hela dalalka Russia, Imaaraadka Carabta iyo Masar.
Haddaba, wararkii ugu danbeeyey waxaa warbixintan ka diyaariyay wariyaha VOA ee Qaahira, Xuseen Saxnuuni.