Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ethiopia oo bilaabeysa buuxinta biya-xireenka wabiga Niil


Waa loollan ku saabsan isticmaalka biyaha wabiga Nile, kaasi oo Masar ugu yeertay khatar jirta, Itoobiyana waxay ku tilmaantay mahsruuc malaayiin qof ka saaraya saboolnimada.

Toddobaadyo uun ayaa ka harsan waqtiga ay Ethiopia bilaabeyso buuxinta biyo-xireenkan oo noqonaya kan ugu awood koronto badan qaaradda Africa, iyadoo wadamada dhismaha biya-xireenkan isku hayana aysan wax heshiis ah gaarin.

Wasiirka Arrimaha Debadda ee Ethiopia, Gedu Andargachew, ayaa Jimcihii u sheegay wakaaladda wararka ee AP in uu dalkiisu uu bisha soo socota bilaabayo in uu buuxiyo biya-xireenka ay dowladda Ethiopia ka dhiseyso Wabiga Nile, xittaa haddii aan la gaarin wax heshiis ah.

“Qassab naguma ahan in aan heshiis gaarno ka hor inta aan la bilaabin buuxinta biya xireenka, sidaas darteed waxaan bilaabeynaa hannaanka buuxinta biya-xireenka, xilliga roobabka ee foodda nagu soo haya,” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa hadlayay ka dib markii ay burburiyeen dadaalladii u danbeeyey ee wadahadal ay Ethiopia kula jirtay dalalka Sudan iyo Masar, kuwaasi oo ahaa markii u horreysay ee laga wadahadlo arrinta biya-xireenka tan iyo bishii February.

Ma jirto waqti loo qabtay in wadahadalladu ay dib u bilowdaan. Ethiopia ayaa u aragta fursad ay ku bilaabi karto buuxinta biya-xireenkan bisha danbe oo ay bilaabanayo xilli roobaadka oo biya badan ay ku soo hoori doonaan wabiga Niilka Buluugga ah (Blue Nile).

Dowladda Masar ayaa Jimcihii ugu baaqday Golaha Ammaanka ee QM in ay soo farageliyaan dib u bilaabashada wadaxaajoodka biya-xireenkan ay Ethiopia ka dhistay wabiga Nile, meel aan ka fogeyn xuduudda dalka Sudan.

Wadaxaajoodka dhinacyada ku muransan arrinta biya-xireenka ayaa markale hakaday toddobaadkan.

Masar, oo si aad ah ugu tiirsan ku tiirsan wabiga Nile oo u ah isha ay ka hesho biyaha ayaa u aragta biya-xireenkan khatar weyn.

Labada dal ee Masar iyo Ethiopia ayaa ka dhawaajiyay tallaabooyin ay ku ilaashanayaan danahooda, iyadoo khubaradu ay ka digayaan in haddii ay wadahadalladu burburaan laga yaabo in taasi ay keento dagaal.

AP iyo Reuters

XS
SM
MD
LG