Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Shiinaha kusoo rogay cunaqabteyn la xiriirta Muslimiinta Uighurs


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay sharci cunaqabateyn kusoo rogaya Shiinaha sababo la xiriira cadaadiska ay ku hayaan muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalkaas ee loo yaqaan Uighurs.

Sharciga oo uu soo meel-mariyey congress-ka, ayada oo kaliya hal qof uu diiday, ayaa looga gol leeyahay in Shiinaha loogu diro fariin xooggan oo la xiriirta xuquuqda aadanaha, ayada oo la beegsanayo kuwa mas’uulka ka ah xadgudubka lagu hayo Muslimiinta laga tirada badan yahay.

QM ayaa qiyaasta in inka badan hal milyan oo muslimiin ah ay ku xabisan yihiin xirooyin ku yaalla gobolka Xinjiang.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa saraakiisha Shiinaha ku eedeysay inay Muslimiinta u gaystaan jirdil, xadgudub, ayna isku dayaan “inay gebi ahaan tirtiraan dhaqankooda iyo diintooda.”

Shiinaha ayaa beeniyey inay si xun ula dhaqmaan Muslimiinta Uighurs waxayna sheegeen in xerooyin ay yihiin xarumo lagu bixiyo tababaro looga dan leeyahay in lagula dagaalo xagjirinimada.

Shiinaha ayaa ku hanjabay inuu ka aargudan doono cunaqabteynta cusub ee Mareykanka kusoo rogyay.

“Waxaan ku boorineynaa Mareykanka inay deg deg u saxaan qaladkooda, ayna joojiyaan inay sharcigan la xiriira Xinjiang u adeegsadaan inay ku dhaawacaan danaha Shiinaha, kuna faro-geliyaan arrimaha gudaha Shiinaha,” waxaa sidaas lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha.

“Haddii kale China waxay qaadi doontaa tallaabooyin jawaab ah, waxaana cawaaqibka ka dhasha xambaari doona Mareykanka,” ayuu bayaanka intaas ku daray, ayada oo aan la bixin faahfaahin.

REUTERS

XS
SM
MD
LG