Xiisad aad u kacsan ayaa ka jirta xadka u dhaxeeya dalalka China iyo India, kaddib marki ay ciidamada ilaalada xadka labada dhinac uu dagaal culus dhexmaray.
India waxay sheegtay in dagaalkaasi ay uga dhibteen ugu yaraan 20 askari, halka dowladda China aysa wali xaqiiin wax khasaara ah oo ciidankiisa soo gaaray.
India iyo China ayaa toddobaadyadii tegay waxa ay ku lug lahaayeen is-mariwaa ka taagan Dooxda Galwan ee galbeedka Himilayas, ayada midba midka kale uu ku eedeynayey inuu dhulkiisa kusoo xadgudbay.
India iyo China ayaa si kooban xuduudda ugu dagaalay 1962-kii, mana awoodin wixii markaas ka dambeeyey inay xalliyaan murankooda, inkasta oo ay wada-hadallo socdeen tobaneeyo sano.
Haddaba arrintan ayaa Nuur Bukhaari uu ka wareystay, Cabdinur Ibrahim Cabdalla oo ka faallooda arrimaha Amniga Caalamka, kuna sugan dalka UK.