Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bil kadib maxaa iska beddelay xaaladda Soomaalidii ku xanuunsatay Kansas?


11 kii bishii hore ee May, waxaa wareysi la yeelanay Maxamuud Aadan Xasan oo ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee deggan kana shaqeysta magaalada Garden City, gobolka Kansas ee dalka Maraykanka.

Maxamuud waxa uu ka mid yahay shaqaalaha shirkadda Tyson’s ee hilibka bacaysa, kuwaas oo badankooda uu xanuunka COVID-19 ku dhacay.

Maxamuud waxa uu maalintaas noo sheegay in dadka magaalada badankoodu ay xanuunka qaadeen, hal qofina uu u dhintay.

Haddaba Maxamed Cabdi Sandheer ayaa mar kale Maxamuud Aadan la xiriiray, kana wareystay isbeddelka dhacay muddadaas bisha ah. Maxamuud ayaa marka hore ka waramaya xaaladdiisa caafimaad.

Bil kadib maxaa iska beddelay xaaladda Soomaalidii ku xanuunsatay Kansas?
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:42 0:00




XS
SM
MD
LG