Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ilhaan Cumar aabaheed oo geeriyooday


Ilhaan Cumar iyo Aabaheed
Ilhaan Cumar iyo Aabaheed

Aabaha Ilhaan Cumar, ayaa habeenkii Isniintii u geeriyooday cuduruka COVID-19, sida bayaan ay soo saartay ay ku sheegtay Ilhaan oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka.

“Waxaan ayada oo aad u murugo iyo xanuun badan macasalaama dhahayaa aabahay,” ayey Ilhaan ku tiri bayaanka ay soo saratay. “Erayo kuma qeexi karo waxa uu uga dhignaa aniga iyo inta taqaanay ee jecleyd.”

Ilhaan iyo aabaheed Nuur Cumar Maxamed ayaa ayaga oo qaxooti ah yimid Mareykanka 1995-kii, markaasi oo ay kasoo carareen dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya, waxayna ugu dambeyn degeen magaalada Minneapolis.

Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib ayaa November 2018 loo doortay xubno ka tirsan Aqalka Wakiilada, ayaga oo noqday labadii gabdhood ee ugu horreeyey ee muslimiin ah ee ka mid noqda Congress-ka Mareykanka.

XS
SM
MD
LG