Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ruushka iyo Turkiga oo dib u dhigay wada-hadalladii Libya


Dowladaha Ruushka iyo Turkiga ayaa dib u dhigay wadahadalo ay ka yeelanayeen arrimaha Libya sababo la xiriira khilaaf ka taagan gulufka ay xukuumadda Libya ee taageerada ka haysata Ankara ku dooneyso in ay dib ula wareegto gacan ku heynta magaala xeebeedka muhiimka ah ee Sirte oo ay haatan maamulaan ciidamada maamulka bariga dalkaasi.

Iyadoo heleysa taageerada militeriga Turkey, ayay xukuumadda uu caalamku aqqoonsan yahay ee Libya waxa ay toddobaadyadii la soo dhaafay hormar ka sameyneysay dagaalka ay kula jirto ciidadama maamulka bariga dalkaasi ee uu hogaamiyo Jen. Khalifa Haftar oo taageera ka haysta dalalka Masar, Imaaraatka iyo Ruushka.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa baajiyay safar uu Axaddii ku tagi lahaa magaalada Istanbul si uu ula kulmo dhigiisa Turkiga Mevlut Cavusoglu, laakiin sarkaal Turki ayaa sheegay in wadahadallo aan toos aheyn ay sii wadayaan khubarada labada dhinac.

Magaalada Sirte, oo kala barta magaalada caasimadda ah ee Tripoli oo ay xukuumaddu maamusho iyo magaalada uu Jen. Haftar maamulo ee Benghazi ayaa ah magaalada ugu dhow ee xarumaha waaweyn ee saliidda laga dhoofiyo ee Libya. Ciidamada Haftar ayaa maamulka Sirte la wareegay bishii Janaayo.

XS
SM
MD
LG