Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynihii dalka Burundi oo geeriyooday


Madaxweynihii dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa maanta geeriyooday kadib markii wadnaha uu istaagay, sida ay sheegtay dowladda.

Pierre Nkurunziza, oo aaminsanaa inuu Ilaah u doortay inuu xukumo dalkan ku yaalla Bariga Afrika, ayaa xukunka qabtay 2005 kadib marki baarlamanka uu doortay.

“Dowladda Jamhuuriyadda Burundi waxay ku dhowaaqaysaa ayada oo si weyn uga murugsan geerida lama filaanka ah ee Pierre Nkurunziza, madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi, kadib markii wadnaha uu istaagay, June 8, 2020,” waxaa sidaas lagu yiri qoraal lasoo dhigay bogga rasmiga ah dowladda ay ku leedahay twitter.

Madaxweynaha ayaa ku dhintay isbital ku yaalla magaalada bari ee Karuzi, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada Burundi.

Isku-daygiisii muranka dhaliyey balse markii dambe uu ku guuleystay, si uu markii saddexaad madaxweyne u noqdo sanadii 2015, ayaa dalka u horseeday qalalaase.

Rabshado dalka ka dhacay ayaa waxaa ku dhintay 1,200 qof, waxaa ku barakacay boqolaal kun, waxaana ay horseedeen in mas’uuliyiinta ay cadaadiyaan mucaaradka iyo warbaahinta.

Burunid, oo Bankiga Adduunka uu ku sheegay mid ka mid ah saddexda dal ee ugu saboolsan caalamka, ayaa waxaa saarnaa cunaqabateyn ka timid deeq bixiyayaasheeda, tan iyo wixii markaas ka dambeeyey.

AFP

XS
SM
MD
LG