Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Derek Chauvin oo maxkamad lasoo taagay


Waxaa shalay maxkamad lasoo taagay Derek Chauvin, oo ah askari hore oo ku eedeysan dilka George Floyd oo ahaa nin madow ah, oo ku dhintay gacanta booliska magaalada Minneapolis.

Askariga eedeysan oo lagu magacaabo Derek Chauvin ayaa muuqaallo la baahiyey ay muujiyeen isaga oo jilibkiisa ku haya luqanta Floyd oo dhulka yaalla, halkaasi oo ay nafta kaga baxday.

Dilka George Floyd ayaa dhaliyey banaan-baxyo ballaaran oo ka dhacay gobollo badan oo ka mid ah Maraykanka iyo meelo kale oo dunida ka mid ah.

Wariyaha VOA ee Minnesota Maxamuud Mascadde ayaa maxkamadeynta ka wareystay garyaqaan Amiin Haaruun oo ku sugan magaalada Minneapolis.

Derek Chauvin oo maxkamad lasoo taagay
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:31 0:00


XS
SM
MD
LG