Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Djibouti oo eedo culus u jeedisay duuliye Fu'aad Yuusuf oo u xiran


Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Djibouti
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Djibouti

Dowladda Djibouti ayaa ku eedaysay nin ka tirsan ciidamada cirka ee dalkaasi in uu doonayay in uu diyaarad kala baxsado Djibouti iyo in uu meel ka dhac u geystay saraakiil ka tirsan ciidanka.

Ninkaasi oo lagu magacaabo Fu’aad Yuusuf Cali ayaa bishii Maarso u baxsaday Itoobiya, hase yeeshee waxaa Djibouti loo soo gacan-geliyey 20-kii April, sida ay sheegeen mas’uuliyita waddankaasi.

Muuqaal aysan si madaxbannaan u xaqiijin VOA oo la sheegay in uu xabsiga ka soo dhex duubay Fu’aad Yuusuf ayaa muujinayay isaga oo lagu hayo xabsi xaaladdiisa caafimaad ay aad u liidato. Muuqaalkaasi ayaa kiciyey bannaanbaxyo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Djibouti iyo gobolka Cali Sabiix.

Haddaba, xaaladda Djibouti sida ay xilligan tahay ayuu Haaruun Macruuf ka waraystay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi Muumin Axmed Sheekh.

Wareysi: Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Djibouti
please wait

No media source currently available

0:00 0:11:31 0:00

Dhinaca kale, Haaruun Macruuf ayaa la xiriiray qareenka Fu’aad Yuusuf Cali oo lagu magacaabo Sakariye Cabdullaahi oo isagu beeniyey eedaha ka yimid dhinaca dowladda Djibouti. Waxaana uu ugu horrayn weydiiyey sida ay tahay xaaladda Fu’aad Yuusuf Cali.

Wareysi: Qareenka u doodaya Fu'aad Yuusuf
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:39 0:00


XS
SM
MD
LG