Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mudaaharaadyadii ugu ballaarnaa oo ka dhacay Mareykanka


Tobonaan kun oo qof ayaa Sabtidii shalay magaalada Washington ee caasimadda Mareykanka ka digay mudharaadkii ugu ballaarnaa tan iyo intii ay magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka ay ka billowdeen dibadbaxyada lagu dalbanayo dhameynta midab-takoorka iyo hab-dhaqanka aanan wanaagsaneyneyn ee ay hey’adaha amniga Mareykanku kula dhaqmaan dadka madow iyo kuwa laga tirada badan yahay.

Bannaanbaxyada ayaa galay maalintoodii 12-aad tan iyo markii uu sarkaal booliis oo caddaan ah uu magaalada Minneapolis ku dilay George Floyd oo ahaa nin madow ah oo aanan hubeysneyn.

Dibad-baxayaasha ayaa isugu yimid taallada caanka ah ee Lincoln Memorial, ka dibna socod ku maray Aqalka Cad iyo xarunta Koongareeska ee Capitol Hill.

Waxay ku qeylinayeen erayo ay ka mid ahaayeen “Gacmaheygu kor bey u taaan yihiin, ha i toogan!” “Bannaanbaxeynu waa rajjo, ee ma ahan naceyb,” iyo “Ma neefsan karo!”

Magaalooyinka kale ee ay bannaanbaxyadu ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ahaa New York, Atlanta, Philadelphia, Chicago, Los Angeles, San Francisco, Boston iyo Miami.

Dhanka kale, banaanbax nabadeed oo Sabtidii ka dhacay caasimadda gobolka Virginia ee Richmond ayay mudaaharaadayaashu soo rideen taallada jeneraal ka tirsanaa ciidamadii Confederate ka ee gobollada koonfureed ee Mareykanka.

Taallada Jen. Williams Carter Wickham ayaa dhulka la dhigay iyadoo laga tuuray halkii ay ka taagneyd oo ah Monroe Park, sida ay sheegtay afhayeen u hadashay booliska magaalada Richmond.

Waxa ay sheegtay in aysan ka war heynin haddii cid loo xiray falkan, iyo haddii uu burbur soo gaaray taallada.

Sawirro la soo qaaday ayaa muujinaya xarig lagu xidhay taallada Jen. Wickham, oo halkaasi ka taagneyd ilaa sanadkii 1891, sida ay ku warameyso jariidadda The Richmond Times-Dispatch.

Toddobaadkii hore ayaa gudoomiyaha gobolka Virginia, Ralph Northam, waxa uu ku dhawaaqay in taallada ay dowladdu leedahay ee jeneraalkii hogaaminayay ciidamadii Confederate-ka, Robert E. Lee, sida ugu ugu dhaqsa badan lagaga qaadi doono fagaaraha ku yaal wadada loo yaqaan Monument Avenue ee magaalada Richmond.

XS
SM
MD
LG