Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Russia oo maleeshiyo Syrian ah u qoraysa Jeneral Haftar


Khalifa Haftar
Khalifa Haftar

Russia ayaa bishii May kordhisay in ay qorato boqolaal calooshood u shaqeystayaal u dhashay Syria si ay u caawiyaan malayshiyaadka Jeneral Khalifa Haftar ee dagaalka kala soo horjeeda dowladda uu caalamku aqqoonsan yahay ee Libya ee fadhigeedu yahay caasimadda Tripoli, sidaasna waxa ay wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatay ilo wareedyo kala duwan.

Shirkadda gaarka loo leeyahay ee Wagner Group ayaa horboodeysa howsha shaqaaleynta maleeshiyadan Syria u dhashay, iyadoo militeriga Russia ay kormeeraan, sida ay laba ka tirsan xubnaha sarsare ee mucaaradka Syria iyo ilo wareedyo kale ay u sheegeen Reuters.

Shaqaale hore uga tirsanaan jiray shirkaddan militeri ee Wagner Group ayaa sheegay in 2019 kii ay ahayd markii ugu horreysay ee ay dalka Libya u diraan dagaallameyaal u dhashay Syria.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Russia iyo sharikadda Wagner Group ayaan ka jawaabin mar ay Reuters weydiisay iney arrimahan ka hadlaan.

Russia ayaa gacan saar la leh Madaxweynaha Syria, Bashar al-Assad, iyada oo maamulka Assad ka caawisay in uu u burburiyo kooxaha fallaagada hubeysan ee dagaalka kaga soo horjeeda.

Khubarada ayaa sheegaya in ku lug lahaanshaha Moscow ee dagaalka Libya ay qeyb ka tahay doonisteeda ah in ay saameyn ku yeelato gobolka dhaca bariga badda Mediterranean.

Dowladaha Masar iyo Imaaraatka Carabta ayaa iyana taageero siiya ciidamada Jeneral Haftar, iyaga oo ka soo horjeeda xukuumadda Libya oo ay dowladahani u arkaan in ay xiriir la leedahay ururka Ikhwaanul-Muslimiin, oo ah koox Islaami ah oo ay si weyn uga soo horjeedaan.

Dhanka kale, Turkey ayaa sheegay in ay taageero militari siiyaan dowladda caalamku aqoonsan yahay ee caasimadda Tripoli.

Madaxweynaha Turkey, Recep Tayyip Erdogan, ayaa bishii February sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Ciidanka Qaranka ee Syria ee uu Turkigu taageero iyo ciidamo dalkiisa u dhashay ay ku sugan yihiin Libya.

Turkey ayaa dhankiisa heshiisyo la galay xukuumadda Libya ee caalamku aqoonsan yahay si ay u ilaaliso danaha u gaarka ah ee gobolkan.

Reuters

XS
SM
MD
LG