Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hogaamiyihii Al Qaacidda ee W.Africa oo la dilay


Ciidamada Burkina faso oo dagaal kula jira Al Qacida
Ciidamada Burkina faso oo dagaal kula jira Al Qacida

Militeriga Faransiiska ayaa dalka Mali ku dilay Abdelmalek Droukdel oo ahaa, hogaamiyaha ururka Al-Qaacida ee Waqooyiga Africa, sida ay xaqiijiyeen saraakiil Faransiis ah.


“Saddexdii June ayay ciidamada militeriga ee Faransiiska oo kaashanaya saaxiibadooda maxalliga ah waxa ay dileen amiirkii ururka Al-Qaacida ee gobolka Maghreb, Abdelmalek Droukdel, iyo dhowr ka mid ah ragga ugu dhowdhow, intii lagu guda jirey hawlgal ka dhacay waqooyiga Mali” sidaasi waxaa boggeeda Twitterka ku qoray Florence Parly oo ah wasiirka ciidamada qalabka sida ee Faransiiska.

Ciidamada Faransiiska ayaa muddo 7 sano ah ku raad joogay Droukdel, oo ahaa dagaal yahan muhiim ah oo ka tirsan kooxdan Islaamiga ah, sida ay sheegeen saraakiishu.

Howlgalka uu hogaaminayay Faransiiska ee ka dhanka ahaa Droukdel ayaa waxaa taageero dhanka sirdoonka siinayay howlgalka ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, sida uuTaliska Africom xaqiijiyey.

Saraakiisha ayaa sheegay in Droukdel, oo lagu yaqaanay in uu ku lug lahaa dhammaanba hawlgallada al-Qaacida ee gobolka Maghreb uu doonayey in uu ballaariyo dhulka ay kooxdu gacanta ku heyso iyo kordhinta weerarada ay qaaddo.

Ku dhawaaqista in la dilay Droukdel ayaa timid 6 bilood ka dib kadib markii awoodda ciidan ee Faransiiska iyo kuwa dowladaha gobolkan ee Faransiisku soo gumeystay la isku biiriyey oo la hoosgeeyey hal talis si diiradda loo saaro dagaalka lagula jiro xagjiriinta xiriirka la leh ururka Daacish ee xadka ay wadaagaan dalalka Niger, Mali iyo Burkina Faso, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday wakaaladda wararka ee Reuters.

XS
SM
MD
LG