MINNEAPOLIS —
Xaaladda magaalada Minneapolis ayaa xalay xoogaa ka degganayd sidii hore iyadoo bandowgii lasoo rogay saacadaha u dhexeeya 10:00pm ilaa 4:00am xilliga Minneapolis uu weli taagnaa, dadka cabanayeyna ay qaarkood iska dhego tireen.
Magaalada ayaa waxaa maalmihii tegay ka socday dibad-baxyo yimid kadib markii George Floyd oo ahaa nin madow ah oo aan hubeysneyn lagu dilay magaalada Minneapolis kadib markii askari caddaan ah inta madaxa dhulka u dhigay, kadibna luqunta jilib ka saaray illaa ay nafta ka baxday.
Booliiska ayaa ugu baaqay dadka inay guryahooda ku nagaadaan.
Wararkii ugu dambeeyey ayaa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac uu ka waraystay weriyahayaga Minneapolis Maxamuud Mascadde.