Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kiisaska COVID-19 ee Jabuuti oo ku dhow 4,000


Wasaaradda caafimaadka ee Jabuuti ayaa warsaxaafadeed ay maanta oo arbaca ah soo saartay ku sheegtay in hal qof uu u dhintay cudurka COVID-19.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in 156 oo qof manta laga helay cudurka.

War-saxaafadeedka wasaardda ayaa xusay in 29 qof ay ka bogsadeen COVID-19.

Tirade guud ee dadka laga helay cudurka ee ku nool Jabuuti ayaa ah 3,935 iyada oo dhimashaduna ay gaadhay 29 qof, halka 636 oo qofna ay ka bogsadeen COVID-19.

XS
SM
MD
LG