Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ducaale oo xil ka qaadis ka bad-baaday iyo isbedello ka socda Kenya


Aden Barre

Dalka Kenya waxaa ka socda Isbedello siyaasadeed oo saameeyay mas’uulyiin xilal sarsare ka hayay labada aqal ee Baarlamaanka ee Dowladda Kenya.

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa shalay ka badbaaday isku day lagu doonayay in xilka hoggaamiyaha Aqlabiyadda looga qaado.

Isbedelladan siyaadeed ayaa la sheegayaa inay la xiriirto afti dadweyne oo la doonayo in dib u habayn loogu sameeyo sharciga doorashooyinka ee dalka iyo sidoo kale loollanka siyaasadeed ee 2022 ee wadankaasi.

Dhammaan xubnaha xilalka laga qaaday ayaa saaxiibo dhow la ahaa Madaxweyne ku-xigeynka Kenya William Ruto.

Warbixin arrimahaas ka hadlaysa waxaa soo diray wariyaha VOA-da ee Nairobi, Khadar Maxamuud Xareed.

Ducaale oo mooshin ka bad-baaday iyo isbedelo ka socda Kenya
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:46 0:00


XS
SM
MD
LG