Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cabsi laga qabo in dibad-baxyada Mareykanka ay kordhiyaan kiisaska COVID-19


Waxaa laga cabsi qabaa in kiisaska cudurka Coronavirus ee Mareykanka ay mar kale kor u kacaan sababo la xiriira dibad-baxyada dalka ka socda oo keenaya in dadka ay isku dhowaadaan.

Dibad-baxyada ayaa yimid kadib markii George Floyd oo ahaa nin madow ah oo aan hubeysneyn lagu dilay magaalada Minneapolis kadib markii askari caddaan ah inta madaxa dhulka u dhigay, kadibna luqunta jilib ka saaray illaa ay nafta ka baxday.

Cabsidan jirta ee ay qabaan bahda caafimaadka Maraykank ayaa weriyahayaga Maxamuud Mascadde uu ka waraystay Dr. Cabdi Jaamac oo ah dhakhtar bartay caafimaadka cudurada guud, gaar ahaan ku takhasusay cudurada ku dhaca wadnaha, waxaana uu ka shaqeeyaa isbitaalka Fairview ee gobalka Minnesota.

Cabsi laga qabo in dibad-baxyada Mareykanka ay kordhiyaan kiisaska COVID-19
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:29 0:00


XS
SM
MD
LG