Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dibad-baxyada ka socda Mareykanka oo dhaliyey cabsi cusub


Dibadbaxyada ka socda Mareykanka ee looga soo horjeedo tacaddi ay ku keceen ciidamada Booliska ee Minneapolis ayaa dhaliyay cabsi laga qabo in uu sii fido cudurka coronavirus.

Dibadbaxyadan oo rabshado wata ahna kuwa looga dhiidhinayaa dilkii ay boolisku u gaysteen George Floyd, oo ah nin madow oo uu dilay sarkaal boolis ah oo caddaan ah, ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo in faafitaanka COVID-19 ay laba kacleyso Mareykanka oo haatan ah dalka diiwaangeliyey kiisaska ugu badan ee dadka uu soo riyay coronavirus iyo kuwa u dhintay.

Banaanbaxyadan ayaa yimid xilli meelo badan oo dunida ah la ogolaaday in dib loo furo xeebaha loo dalxiiska tago, kaniisadaha, masaajidada, iskuullada iyo ganacsiyada, taasi oo sare u qaaddaysa isku gudbinta feyruskan.

Banaanbaxyada looga soo horjeedo dilkii Floyd ayaa ruxay Mareykanka iyadoo laga bilaabo magaalada New York ilaa Los Angeles ay ka dheceen mudaaharaadyo waaweyn.

Banaanbaxayaasha oo qaarkood aysan xirneyn maaskarooyin ayaa in badan oo ka mid ah ay qeylinayeen ama heesayeen. Feyriska corona ayaa ku faafa dhibcaha dareeraha ee dadka ka soo baxa marka ay qufacaan, hindhisaan, hadlaan ama heesaan.

XS
SM
MD
LG