Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Banaanbaxyo Rabshado Wata oo Markale ka Dhacay Mareykanka


Gudoomiyaasha gobolka Minnesota iyo 11 gobol oo kale ayaa howlgaliyey ciidammada Ilaalada Qaranka, iyaga oo la kulmay habeen kale habeen kale oo mudaaharaadyo rabshado wata ay gobolladaasi ka dhaceen kuwaasi oo ka dhashay dilkii nin Mareykan madow ah Isniintii loo geystay isaga oo ku jira gacanta booliska magaalada Minneapolis.

Afartii cisho ee la soo dhaafay, mudaaharaadyo ku bilowday hab nabadeed ayaa isku rogay kuwa rabsho ah ka dib markii qaar ka mid ah debedbaxayaashu ay ku keceen boob, dab qabadsiin iyo rabshado ka dhacay Minneapolis, magaalada deriska la ah ee St. Paul ayna ku baaheen magaalooyin kale oo Mareykanka ah.

Gudoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz ayaa ballan qaaday in “awood buuxda” loo adeegsan doono soo celinta nidaamka iyo kala danbeynta.

Gudoomiyeyaasha ilaa 11 gobol oo kale oo kala ah Georgia, Kentucky, Ohio, Wisconsin, Colorado, Utah, Washington, California, Tennessee, Missouri iyo Texas ayaa iyana howlgeliyey ciidamada Ilaalada Qaranka si ay u kala eryaan debedbaxayaasha ku sugan goobaha ay rabshaduhu ka dheceen.

Gudoomiyaha gobolka California, Gavin Newsom, ayaa iclaamiyey xaalad degdeg ah oo uu ku soo rogay magaalada Los Angeles, halkaasi oo gelinkii danbe ee xalay dab la qabad siiyey goobaha qaar.

Magaalada Indianapolis, waxaa la soo wariyey in is rasaaseyn ay ka dhacday bartamaha magaalada habeenkii Sabtida oo ahayd habeenkii labaad ee halkaasi uu banaanbax ka dhaco. Hal qof ayaa ku dhintay 2 kalana waa ay ku dhaawacmeen.

Madaxa booliska ee magaaladaasi, Randal Taylor, ayaa ku booriyey in ay dadku ka baxaan aagga bartamaha magaalada, isaga oo sheegay in aysan ammaan aheyn.

Ku dhawaad 1,400 oo qof ayaa lagu xiray meelo badan oo Mareykanka ah sida ay soo warisay wakaaladda wararka ee AP. Tirada ayaa laga yaabaa in ay sare u kacdo maadaama mudaaharaadyadu ay yihiin kuwa sii socda lana qabto xilliyada habeenkii ah.

Maayerrada magaalooyin badan ayaa soo rogay bandaw xilliga habeenkii ah taasi oo ay kaga jawaabayaan rabshadaha ka dhashay banaanbaxyada, waxaana magaalooyinka bandawga lagu soo rogay ka mid ah Los Angeles, Seattle, Atlanta, Denver, Philadelphia, iyo magaalada Portland oo ka tirsan gobolka Oregon.

XS
SM
MD
LG