Isku xirrada

War Deg-Deg ah

SpaceX oo Dayax-gacmeedki ugu Horreeyay Dirtay


APTOPIX Home Launch
APTOPIX Home Launch

Shirkadda soo saarta dayax-gacmeedyada iyo gantaallada ee SpaceX oo ah shirkad uu leeyahay Elon Musk oo ah bilyaneer Mareykan ah, ayaa Sabtidi shalay hawada sare u dirtay laba cirbixiyeen oo ka tirsan Hey’adda Arrimaha Hawada Mareykanka ee NASA, howlgalkaas oo noqday kii ugu horreeyay taariikhda oo ay shirkad gaar loo leeyahay dad ugu dirto meeraha Mars.

Dayax-gacmeedka SpaceX Falcon 9 oo shalay abbaaro 3:22 daqiiqo ee galabnimo xilliiga Mareykanka laga ganay xarunta daxay-gaceedyada ee Kennedy Space Center ee gobolka Florida, ayaa waxaa saarnaa cirbixiyeennada kala ah Doug Hurley iyo Bob Behnken. Howlgalka ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee laga dirro gudaha Mareykanka muddo sagaal sana ah.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ka mid ahaa dadkii daawanayay markii hawada sare loo ganayay gantaalkii tuuray dayax-gacmeedka SpaceX Falcon 9 ayaa sheegay in awoodda iyo tiknoolojiyadda dayaxgacmeedkan uusan caadi aheyn.

Waxaa kale oo uu sheegay in diritaanka dayax-gacmeedkaan uu waddada u xaaray tartanka ganacsi ee dhanka hawada sare ee mustaqbalka. Wuxuu mar kale ku celiyay ballan-qaadkiisii ahaa in cirbixiyeennada Mareykanku ay mar kale ku laaban doonaan dayaxa iyo meeraha Mars marka la gaaro sanadka 2024-ka.

XS
SM
MD
LG