Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo dib u dhigaya shirka G-7


France G7 Summit
France G7 Summit

Madaxwenaha Mareykanka Donald Trump ayaa xalay sheegay in uu baajinayo shir-madaxeedka dalalka la isku yiraahdo G-7 ee ugu horumarsan xaga dhaqaalaha marka loo eego dunida inteeda kale.

Shirkaan ayaa lagu waday in Mareykanka uu marti-geliyo dhamaadka bisha June ee soo socota, hase yeeshee madaxweyne Trump ayaa isaga oo saaran diyaaradda Air Force One ee qaadda madaxweynaha u sheegay wariyaal la safrayay, in shirka uu dib ugu dhigayo bisha September.

Madaxweynaha oo kasoo laabtay gobolka Florida kuna sii jeeday magaalada Washington D.C ayaa Kooxda G-7 ku tilmaamay koox aanan casri aheyn, sidaasi daraadeed uu ku soo darayo dalal cusub oo kala ah Australia, Russia, South Korea iyo India.

Kooxda G-7 ayaa ka kooban dalalka Mareykanka, Canada, Fanarsiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Japan.

XS
SM
MD
LG