Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa loo xiri la'yahay askarta lagu eedeeyey dilka George Floyd?


Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesotta waxaa weli ka oogan rabshado ay wadaan dad mudaaharaadaya oo ka careysan dil nin booliska ka tirsan oo caddaan ah uu Isniintii u geystay nin dadka madow ee Mareykanka ka soo jeeda.

Dadka careysan ayaa dalbanaya in si deg deg ah loo soo xiro askariga booliska ee dilka geysgtay iyo askartii la socotay.

Haddaba maxaa ka hortaagan hay'adaha sharciga inay si dhaqso ah u fuliyaan dalabka dadweynaha, su’aashaas iyo kuwo kale ayuu wariyaheenna Maxamed Colaad Xassan uu weydiiyay, garyaqaan Amiin Haruun oo ka mid ah sharciyaqaanada Soomaaliyeed ee ka howlgala gobolka Minnesota.

Maxaa loo xiri la'yahay askarta lagu eedeeyey dilka George Floyd?
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:10 0:00


XS
SM
MD
LG