Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dibadbaxyo rabshado leh oo ka dhacay Minneapolis kadib dilka nin madow ah


Dibadbaxyo ka dhacay magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, oo lagaga soo horjeeday dil askari caddaan ahi uu u geystay nin bulshada madow ee Maraykanka ka soo jeeda, ayaa isku beddelay rabshado iyo bililiqo loo geystay labo dukaan oo waaweyn ee koonfurta magaalada ku yaalla.

Dibad-baxyada oo sii kordhayey Arbacadii ayaa sidoo kale lagu gubay ugu yaraan hal dukaan oo kale.

Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday si ay u kala eryaan dibad-baxayaasha, ugana hor-istaagaan inay usoo gudbaan aag la hareereeyey oo ah halka lagu dilay George Floyd.

Barasaabka gobolka Minnesota Tim Walz ayaa dadka ku booriyey inay ka fogaadaan aagaas, oo u ku sheegay mid iminka xaaladeeda ay aad halis u tahay.

Dibad-baxayaasha ayaa dalabanaya in lasoo xiro oo shacriga la marsiiyo askartii ku lug lahayd dilka ninka madow, oo shaqada boolis ee magaalada laga eryey maalin ka hor.

Wariyaha VOA-da ee gobolka Minnesota Maxmuud Mascadde ayaa intii uu dibad-baxa socday wareystay Liibaan Xuseen oo ah suxufi madax banaan oo ku sugnaa goobta ay bililiqada iyo rabshaduhu ka socdeen.

Dibadbaxyo rabshado leh oo ka dhacay Minneapolis kadib dilka nin madow ahaa
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:19 0:00


XS
SM
MD
LG