Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Geelle oo baaq la xiriira COVID-19 u diray shacabka


Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

Dawladda Jabuuti ayaa maanta shaacisay kiisaska cusub ee cudurka Coronavirus, waxaana ay soo gudbisay inuu xanuunku ku dhacay 100 qof cusub, taasi oo tirada guud ka dhigaysa 1,608 qof, halka dhimashaduna ay taagan tahay 7 qof.

Dhinaca kalena, madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa mar kale ugu baaqay dadweynaha waddankaasi inay ka qayb qaataan la dagaalanka cudurka Coronavirus.

Hadalkan waxa uu jeediyey kadib markii uu maanta tagay Jaamacadda Jabuuti oo dib u bilowday howshii waxbarsho.

Sagal Siciid Faarax ayaa warbixintan noo soo dirtay.

please wait

No media source currently available

0:00 0:02:01 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG