Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Malaysia


Ra'iisul Wasaare Muhyiddin Yassin
Ra'iisul Wasaare Muhyiddin Yassin

Baarlamaanka Malaysia ayaa maanta yeeshay fadhi hal cisho ah si ay u dhageystaan khudbadda boqorka dalkaasi, ka dibna waxa ay si dhaqsa ah dib ugu dhigeen fadhiyadooda, taasi oo u ogolaaneysa Ra’isul wasaare Muhyiddin Yassin inuu ka badbaado in loo qaado codka kalsoonida.

Baarlamaanka ayaa hore loo qorsheeyey iney cod u qaadaan muushin kalsooni kala noqosho ah oo uu soo gudbiyey Mahathir Mohamad, oo ahaa ra’isulwasaarihii uu Yassin xilka kala wareegay.

Hase ahaatee, afhayeenka baarlamaanka Mohamad Ariff Md Yusoff ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay inuu ka helay Ra’iisulwasaare Yassin warqad qeexeysa in ajendaha kulanka uu noqon doono oo qur ah in la dhageysto khudbadda boqorka dalkaasi Sultan Abdullah Sultan Ahmad Shah sababo la xiriira xaaladda coronavirus.

Boqorka ayaa horaantii bishii March u magacaabay Muhyiddin inuu noqdo ra’iisulwasaare, maalmo yar uun ka dib markii Mahathir oo ah 94 jir uu is casilay ka dib markii uu burburay isbaheysigiisii talada hayay.

Muhyiddin, oo soo noqday wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumaddii Mahathir ayaa dhowr xil oo golaha wasiirada ah siiyey xubno ka tirsan xisbiga UNMO, kaasi oo talada dalkaasi soo hayay tan iyo markii ay Malaysia ka xorowday gumeystihii Britain sanadkii 1957-kii. Isbahaysi uu Mahathir horkacayay ayaa UNMO talada kala wareegay sanadkii 2018-kii.

UNMO ayaa waxaa talada ka eryay codbixiyeyaasha oo ka daalay musuqa dalkaasi gaar ahaan fadeexad uu ku lug lahaa ra’iisulwasaarihii hore Najib Razak iyo boob lagula kacay hantida bangiga maalgashiga ee 1MDB oo ah mid ay dowladdu leedahay.

Xukuumaddii Mahathir ayaa si adag ugu oogtay Najiib eedo musuq maasuq oo la xiriira fadeexaddii 1MDB, hase ahaatee xeer ilaaliyeyaasha ayaa laalay dhamaan eedihii lagu soo oogay Riza Aziz, oo ah wiilka Najib, kaasi oo sanadkii hore lagu eedeeyey inuu lacag dhan $250 milyan oo dollar ka helay 1MDB.

Riza, oo ah milkiilaha shirkad filmaanta sameysa oo ka tirsan Hollywood taasi oo maalgelisay filmaan uu ka mid yahay “The Wolf of Wall Street,” ayaa ogolaaday inuu Malaysia u celiyo ilaa $107 milyan oo hanti ah si loo laalo eedaha loo haysto.

Xeer ilaaliyihii hore ee dalkaasi Tommy Thomas ayaa Isniinta maanta ah qoraal uu soo saaray kaga horyimid heshiiskan, isaga oo ku tilmaamay "heshiis u wacan Riza, laakiin u xun Malaysia."

XS
SM
MD
LG