Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa maanta oo Axad ah heshiis awood qeybsi ah la saxiixday ninka ay loollamaan ee Abdullah Abdullah, taasi oo suurtagelineysa in la dhameeyo qalalaasihii siyaasadeed ee ka dhashay doorashadii madaxtinimo ee dalkaasi.
Iyadoo Ghani uu sii ahaan doono madaxweynaha Afghanistan, Abdullah ayaa noqon doona qofka labaad ee hogaanka dalka, isaga oo soo jeedin doona %50 xubnaha golaha wasiirada oo ay ku jiraan wasaarado muhiim ah, islamarkaana waxa uu qeyb ku yeelan doonaa magacaabista gudoomiyaasha gobollada.
Abdullah ayaa sidoo kale hogaamin doona wadahadallada nabadeed iyo wadaxaajoodka lala galayo kooxda Taliban, isaga oo noqon doona madaxa Golaha Sare ee Dib u heshiisiinta Qaran.
Golahan ayaa hagi doona kooxda wadaxaajoodka Taliban ku mataleysa dowladda Afghanistan. Sidoo kale waxa uu goluhu abuuri doonaa is-afgarad qaran iyo mid caalami ah oo ku saabsan geedi socodka nabadda, iyagoo ka shaqeyn doona sidii taageero joogta ah oo maaliyadeed looga heli lahaa bulshada caalamka, kadib raja soo ifbaxday oo ku saabsan in heshiis nabadeed lala galo Taliban.
Ghani iyo Abdullah ayaa bishii Febraayo ee sanadkan kaga dhawaaqay Afghanistan laba dowladood ka dib muran xooggan oo ka yimid doorashadii madaxtinimo ee dalkaasi.
Labadan nin ayaa sidoo kale ku baratamay doorashadii madaxtinimo ee 2014-kii, taasi oo uu ka dhashay muran siyaasadeed keenay in Xogahayihii Arrimaha Debedda Mareykanka ee waqtigaasi John Kerry uu wada xaajood ka dhex bilaabo labada dhinac, iyadoo ugu danbeyn lagu heshiiyey in Ghani uu noqdo madaxweyne halka Abdullah uu noqday madaxa xukuumadda.