Horyaalka kubadda cagta dalka Jarmalka ayaa manata noqonaya, kii ugu horreeyay ee dib u billaabma guud ahaan Yurub, kaddib marki uu u xirmay Coronavirus bishii March.
Horyaalka Bundesila oo ay ka harsanyihiin 9 kulan ayaa dhamaan 18-ka koox ay ku hardami doonaan kaalimaha hore, kuwa Champıons League, Yuruba Leage iyo kooxaha hoose oo dagaal u gali doona in aysan u laaban heerka labaad.
Shanta kulan ee galabta lagu furi doono dib u billaabida horyaaka Jarmalka ayaa waxaa ugu adag ciyaarta dhex mari doonta labada koox ee diriska ah ee uu xafiiltanka ka dhaxeeyo, Broussia Dortmund iyo Shalka.
Ciyaartaan ayaa caadiyaan waxaa u soo daawasha tagi jiray dad gaaraya 80 kun laakin galabta labadaan koox ayaa ku dheeli doona garoon maran, oo ay kaliyah joohaan ciyaartooyda labada dhinac, tababarayaasha iyo kaaliyaashooda iyo guddiyada labada qeyb.
Dortmund kaalinta labaad ayay ku jirtaa, waxay afar dhibic ka hooseysaa kooxda kaalinta koowaad ku jırta ee Bayern Munıch. Bayern oo markeedii sıdeed oo isku xigta quudareyneya in ay horyaalka hanato ayaa Axadda la dheeli doonto kooxda Union Berlin . Naadiga Leipzig oo kaalinta sadexaad ku jıra waxay marti gelin doontaa Freiburg halka Borussia Moenchengladbach, oo waxyar u jırta kaalınta afraad ayaa u safri doonta Eintracht Frankfurt.