NAIROBI —
Guddiga Ganacsatada Suuqa Islii ee magaalada Naiorbi ayaa sheegay in ciidamada Booliska ee ku sugan wadooyinka laga soo galo Xaafadda Islii aanan laga qaadi doonin ilaa inta uu ka dhamaanayo waqtigii xayiraadda ee ay Dowladda Kenya kusoo rogtay Xaafadda Islii.
Suuqa oo sideed maalmood u xirnaa go’aan ay soo saaratay Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Kenya oo la xiriiray ka hor-tagga faafitaanka cudurka Coronavirus ayaa shalay dib loo furay.
Arrintan ayaa imaanaysa xilli ganacsatada iyo dadka ku nool xaafadda Islii ay Dowladda Kenya ka codsanayaan in xayiraadda xaafadda laga qaado.
Khadar Maxamuud Xareed ayaan Warbixintan Nairobi kasoo diray.