Suuqa Ganacsiga Xaafadda Soomaalida Eastleigh ee magaalada Nairobi oo sideedii maalmood ee lasoo dhaafay u xirnaa go’aan ay soo saaratay Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Kenya oo la xiriiray cudurka Coronavirus ayaa maanta dib loo furay.
Waxaa maanta la arkayay dukaamada iyo bakhaarada ganacsiga waaweyn ee suuqa oo dib loo furay, iyo dadweyne suuqa usoo adeeg tegay.
Hase yeeshee waxaa sidoo kale wali xiran wadooyinka laga soo galo Xaafadda Eastleigh kuwaasoo lagu arkayo ciidamada Booliska Dowladda Kenya oo dadka u diidaya inay gudaha u gala suuqa iyo guud ahaan Xaafadda Eastleigh.
Cumar Ibraahin Xuseein oo ah Xog-hayaha guddiga Ganacsatada Suuqa Eastleigh arrimahaan uga warray Wariyaha VOA-da ee magaalada Naiorbi Khadar Maxamuud Xareed.
Facebook Forum