Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhaqaalaha Sacuudiga oo hoos u dhac xooggan uu ku yimid


Coronavirus in Saudi Arabia

Dawladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in dhaqaalaha dalka oo hoos u dhacay dartii ay soo rogtay tallaabooyin ay ku dhimayso kabiddii, canshuur dhaafkii, iyo gunnooyinkii ay muwaadiniinta siin jirtay.

Hoos u dhaca dhaqaalaha Sacuudiga ayaa waxaa horseeday saameynta uu cudurka Coronavirus ku yeeshay dalkaas, qiimihii shidaalka ee caalamka oo hoos u dhacay iyo dalxiiskii goobaha barakeysan ee dalka oo meesha ka baxay.

Sacuudiga ayaa sidoo kale kordhiyey canshuurtii iibka, si loo kordhiyo dhaqaalaha dalka soo gala, waxaana la dhimay miisaaniyaddii dowladda.

Warbixintan waxaa magaalada Qaahira ka soo diray wariyeheena Xuseen Cusmaan Saxnuuni.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:40 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG