Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Djibouti oo muddo todobaad ah kordhisay xayiraaddii dalkaasi


Maxamuud Cali Yuusuf
Maxamuud Cali Yuusuf

Djibouti oo laga helay tirada ugu badan ee COVID-19 ee dalalka Bariga Africa ayaa maanta dib u dhigtay qorshey ay ku dooneysay in ay ku qaaddo xayiraaddii dalkaasi saarnayd ee looga hortagayay faafitaanka COVID-19.

Wasiirka Arrimaha debedda ee Djibouti Mahmoud Ali Yuousuf ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay in xukuumaddu ay go’aamisay in muddo 7 cisho ah lagu daro wakhtiga xayiradda ila 17 May. Wasiirka ayaa sheegay in shuruudihii loo baahnaa ka hor qaadidda xayiraadda aan la wali la hergalin, isla markaana ay xukuumaddu go’aankan gaadhay maanta.

Djibouti oo ah dal istaraatiiji ah martigelisana ciidamada Mareykanka iyo kuwa Faransiiska ayaa waxaa la diiwaangaliyay 1,189 kiis oo coronavirus ah, taasi oo ah tiro yar marka loo eego caalamka, balse ah tirada ugu badan ee geeska Africa. 3 qof ayaa cudurkan u dhintay.

Xarunta Africa ee ka hortagga iyo xakameynta cudurada CDC ayaa sheegtay in Djibouti kiisas badan laga helay marka loo eego tirada dadkeeda, inkastoo dhinaca baaritaanka dheecaannada ay ka hormarsan tahay wadamo badan oo deriskeeda ah.

Xukumadda ayaa xayiraadda soo rogtay 23-kii Maarso, iyadoo xidhay dhammaan xuduudaha, masaajidda, isla markaana mamnuucday gaadiidka dadweynaha. Shaqaalaha daruuriga ah ayaa kaliya la oggolaaday inay banaanka u baxaan.

Laakinse tallaabooyinkaasi ayaa si aad ah la isaga indha tiray, iyadoo dad badan wali lagu arkayo caasimadda.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa bishii hore ka digay in dowladdu ay soo rogi doonto xayyiraado ad-adag haddii ay dadku u hogaansami waayaan xeerarka xayiraadaha.​

AFP

XS
SM
MD
LG