Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afghanistan: Rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac


banaanbaxayaasha gobolka Ghor
banaanbaxayaasha gobolka Ghor

Saraakiisha bartamaha Afghanistan ayaa sheegay in isku dhac ka dhex qarxay debed-baxayaal dalbanayay gargaar iyo ciidamada booliska ay ku dhinteen afar qof oo uu ku jiro suxufi ayna ku dhaawacmeen 14 qof oo kale.

Rabshadahan ayaa yimid xilli xayiraadaha loo soo rogay xakameynta Coronavirus iyo hakinta dhaqdhaqaaqyada xudduudaha Afghanistan ay la wadaagto dalalka deriskeeda ah ay carqaladeysay gaarsiinta raashinka ee dalkan aan badda laheyn.

Xannibaadaha ayaa keenay in qiimaha badeecooyinka ay sare u kacaan dalkaasi oo ku dhowaad 60% ay yihiin dad aad sabool u ah.

Rabshada maanta ayaa bilowday ka dib markii toboneeyo qof ay isugu soo bexeen banaanka xafiiska gudoomiyaha gobolka dhaqaalihiisu liito ee Ghor, si ay uga cawdaan inaaney jirin wax caawimaad ah oo loo fidiyey qoysaskooda dhibaateysan.

Gudoomiyaha gobolka Ghor Nasar Khazi ayaa u sheegay VOA in qaar ka mid ah debedbaxayaashu ay hubeysnaayeen, ayna doonayeen iney dab qabadsiiyaan xafiiskiisa ka hor inta aaney boolisku rasaas ku furin si loo kala eryo.

XS
SM
MD
LG