Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kaaliyaha madaxweyne ku xigeenka Mareykanka oo Coronavirus laga helay


Katie miller
Katie miller

Katie Miller oo ah xoghaya warfaafinta ee madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence ayaa laga helay cudurka coronavirus.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inaanu walwal ka qabin in feyrisku ku fido Aqalka Cad.

Katie Miller oo ah xaaska la taliyaha sare ee Madaxweynaha ninka lagu magacaabo Stephen Miller, ayaysan jirin wax war ah oo ku saabsan haddii Meller isna laga helay cudurka iyo haddii uu wali ka shaqeeyo xafiiskiisa Aqalka Cad.

Waa qofkii labaad oo ka shaqeeya Aqalka Cad ee laga helo coronavirus todobaadkan. Saraakiil Mareykan ah ayaa Khamiistii xaqiijiyey in xubin ka tirsan ciidamada badda oo ka mid ah saraakiisha sidda dhow ula shaqeysa madaxweyne Trump laga helay xanuunka.

Madaxa shaqaalaha ee Aqalka Cad Mark Meadows, ayaa Jimcihii sheegay in Aqalka Cad uu yahay halka ugu badqabka badan laakinse waxa uu sheegay inuu ka fiirsanayo talaabooyin cusub oo uu soo rogo si loo ilaaliyo madaxweyne Trump iyo ku xigeenkiisa Pence.

XS
SM
MD
LG