Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'iisul Wasaaraha Malaysia oo loo qaadayo codka kalsoonida


Ra’iisul wasaaraha dalka Malaysia Muhyiddin Yassin ayay baarlamaanka dalkaasi u qaadi doonaan codka kalsoonida 18-ka bishan May, xilli uu ku howlanaa la tacaalidda coronavirus tan iyo markii uu noqday madaxa isbahaysiga cusub ee haatan talada haya laba bilood ka hor.

Mooshinka soo jeedinaya in codka kalsoonida loo qaado ra’iisulwasaaraha ayaa waxaa golaha u soo gudbiyey Mahathir Mohamad, oo ah 94 jir iska casilay xilka ra’iisulwasaarenimo bishii February, ka dib markii isbahaysigii uu hogaaminayay uu burburay.

Muhyiddin, oo ahaan jiray mid ka mid ah dadka uu Mahathir aadka ugu kalsoonaa ayaa 1-dii March loo dhaariyey xilka ra’iisulwasaarenimo, ka dib markii uu noqday madaxa isbahaysi ay ku midoobeen axsaabta qowmiyadda Malay oo aqlabiyad yar ku hogaaminaya baarlamaanka dalkaasi, taasi oo ah 116 xubnood oo ka mid ah 222-ka kursi ee baarlamaanka.

Muhyiddin ayaa bishii March waxa uu dib ugu dhigay bilaabashada howlaha baarlamaanka ilaa muddo laba bilood ah, xilli ay xubnaha mucaaradku ay riixayeen olole ka dhan ah xukuumaddiisa cusub.

REUTERS

Afhayeenka Aqalka Hoose, Mohamad Ariff Md Yusof, ayaa Jimcaha maanta ah sheegay inuu ansixiyey soo gudbinta Mahathir ee in codka kalsoonida loo qaado xukuumadda marka ay howlaha baarlamaanku dib u bilowdaan 18-ka bishan May.

Haddii kooxda Mahathir ay ku guuleystaan iney ridaan xukuumadda Muhyadin, Malaysia ayaa laga yaabaa iney markale qabato doorasho.

Doorashadii ugu dambeysay ee la qabtay sanadkii 2018-dii, isbahaysi ka koobnaa qowmiyado kala duwan ee uu hogaaminayay Mahathir ayaa xukunka ka tuuray Ra'iisul wasaare Najib Razak, oo lagu eedeeynayay inuu ku lug lahaa fadeexad lunsasho hanti qaran.

Mahathir oo hore dalkaasi u hogaaminayay muddo 22 sano ah ayaa awoodi waayay inuu isku hayo isbaheysigiisa si ay xukunka u sii hayaan.

Si uu u helo awoodda, Muhyiddin ayaa ka baxay isbahaysigii Mahathir isaga oo dhisay isbahaysi cusub oo qowmiyadda Malay ah ayna ku jiraan xisbigii Najiib ee musuqa lagu eedeeyey ee UMNO iyo xisbi kale oo Islaami ah laguna magacaabo PAS.

XS
SM
MD
LG