Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel oo 7,000 oo guryo cusub ka dhiseysa Daanta Galbeed


Wasiirka gaashaandhigga Israel ayaa soo saaray ogolaanshaha dhisme ee 7,000 oo ah guryo cusub oo laga dhisayo deegaan ku dhow magaalada Bethlehem ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, taasi oo Falastiiniyiinta ay cambaareeyeen.

Naftali Bennett ayaa ku dhowaaqay inuu “ansixiyey dhismaha kumanaan guri oo cusub” ee laga sameynayo deegaanka Efrat ee ku dhow magaalada Bethlehem ee Koonfurta Daanta Galbeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in dhulkan cusub uu ogolaan doono aas-aaska xaafad cusub oo lagu magacaabo Givat Eitam.

“Xowliga dhismaha ma ahan in iminka la joojiyo,” ayuu yiri Bennett.

Bennett, oo ah xagjir aaminsan siyaasadda midigta fog, ayaa la filayaa inuu xilkiisa ka tago maalmada soo socda, isaga oo aan ku jirin dowladda cusub ee ra’iisul wasaare Netanyahu.

Waxaa xilkiisa la wareegay Benny Gantz oo Netanyahu la galay heshiis uu 18 bilood ku haynayo xilka ra’iisul wasaaraha, kadibna isaga uu la wareegi doono.

Tan iyo markii uu Donald Trump madaxweyne noqday 2017-kii, dowladda Mareykanka ayaa joojisay inay cambaareyso deegaan ballaarinta ay Israel waddo, wuxuuna taageeray hindise ay ugu darsaneyso qeybo ka mid ah Daanta Galbeed.

AFP

XS
SM
MD
LG