Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Xaafadda Soomaalida ee Islii oo la karantiilay


Islii
Islii

Dowlada Kenya ayaa soo rogtay amar lagu xayirayo xaafada Soomaalida ay degan ee tahay ee Islii muddo 15 maalmood oo aan xaafada laga bixi karin lana soo gali karin.

Arrintaasi waxaa Aad uga xumaaday oo ka hadlay xildhibaanka degmada Kamakunji Yuusuf Xasan iyo gudiga ganacsatada xaafadda Islii.

Isla go’aankaas Islii lagu xiray oo kale ayaa Wasiirka Caafimaadka ee Kenya uu ku xiray suuqa qadiimiga ah ee magaalada Mombasa ee dalkaas Kenya.

Dhinaca kale, Wasaaradda Caafimaadka Kenya oo kaashaneysa Bangiga Adduunka ayaa magaalada Wajeer ka furay shaybaar lagu barayo dadka looga shakiyo in ay qaban cudurka coronavirus. Hase yeeshee, hogamiyasha gobalkaasi ayaa walaac ka muujiyey in waddooyinka oo xun iyo maleeshiyada Al-Shabaab oo deegaanka ku sugan ay hoos u dhigi karaan ka faa’iideysiga sheybarkaasi.

Warbixino ku saabsan arrimahan waxaa soo diray weriyayaasha VOA ee Kenya.

Dhageyso Islii oo la Karantiimay
please wait

No media source currently available

0:00 0:11:46 0:00



XS
SM
MD
LG