Isku xirrada

War Deg-Deg ah

COVID-19 oo Soomaali badan kusoo ritay St. Cloud, Minnesota


Magaalada St. Cloud ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa sida ay wararku sheegayaan waxaa xanuunka COVID-19 uu soo ritay Soomaali badan oo magaaladaasi daggan.

Soomaalida ayaa badankeed la sheegay inay xanuunka markii hore ka qaadeen goobaha shaqada kadibna ayaga oo aan fahamsaneyn inay qabaan xanuunkam ay ayaga isa sii qaadsiiyeen.

Dadka uu dhacay waxaa ka mid ah Axmed Cali oo u adeega bulshada Soomaalida, kaasi oo sheegay inuu ka qaaday qaar ka mid ah bulshada oo uu u adeegayey.

Wariyaha VOA-da ee gobolka Minnseota Maxamuud Mascadde ayaa wareystay Axmed, waxaana ugu horrey uu weydiiyey sida uu ku qaaday xanuunka.

COVID-19 oo Soomaali badan kusoo ritay St. Cloud, Minnesota
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:22 0:00


XS
SM
MD
LG