Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dadka Kenya oo dhan oo laga baarayo Coronavirus


Dowladda Kenya ayaa billowday baaris guud oo dhammaan dadka dalkaasi ku nool looga baarayo cudurka Coronavirus.

Shaqaalaha wasaaradda caafimaadka oo xarumo dadka lagu baaro ka samaystay goobo ku yaalla magaalada caasimada ah ee Nairobi ayaa la arkayay iyagoo dadka ka baaraya cudurka.

Adeeggaan ayaa ah mid bilaash oo dadka aan lagu qasbaynin, balse qofkii doonaya uu si iskiis ah isaga baari kara cudurka.

Meelaha baaritaankaasi uu ka bilowday waxaa kamid ah Xaafadda Islii ee ee magaalada Nairobi ee ay Soomaalidu ku badan tahay, taasoo maalimihii lasoo dhaafay uu aad u soo kordhayay tirada dadka laga helayo xanuunkaasi.

Khadar Maxamuud Xareed ayaa warbiixntan kasoo diray Nairobi.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:26 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG